Kulan Diiradda Lagu Saarayey Tacaddiga Haweenka Oo Lagu Qabtay Magaalada Kismaayo

Waxa Magaalada Kismaayo maanta ka qabsoomay kulan ballaaran oo looga hadlaayey ka hortagga tacaddiyada loo geysto haweenka Soomaalida.

Wasaaradda haweenka Jubbaland ayaa kulanka soo qaban-qaabisay, waxaana ka qayb galay masuuliyiin kala duwan oo maamulka Jubbaland ka tirsan.

Waxaa kulanka lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo ka hadlaaya heerka tacaddiyada haweenka ee ka jira Jubbaland, waxayna mas’uuliyiinta tilmaameen inuu yar yahay tacadiga Jubbaland loogu geysto haweenka.

Caadooyinka Gudniinka fircooniga ah, guurka khasabka ah, ka takooridda dhanka shaqada iyo qodobo kale ayaa kulankani diiradda lagu saaray.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE