Magacyada Sadex Qof Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Koonfur Afrika Iyo Sadex Kale Oo La Dhaawacay

Waxaa dalka Koonfur Afrika siyaabo kala duwan loogu dilay sadex qof oo Soomaali ah labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Marxuuminta la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Shariif, Saciid Cosoble iyo Macallin Faarax, waxaana lagu dilay weerarro ka dhacay Johannesburg, Nelspruit iyo Port Elizabeth kaddib markii dad ka tirsan deegaannadaasi oo ku hubeysnaa bastoolado iyo mindiyo ay ku weerareen goobahooda ganacsi.

Dad kale oo Soomaali ah oo tiradooda gaareyso ilaa 3 qof ayaa lagu dhaawacay weerarro dhac ah oo laga geystay Pretoria Isniintii la soo dhaafay.

Boqolaal Soomaali ah ayaa lagu dilay Koonfur Afrika sanooyinkii ugu dambeeyey, kuwo badan-na waa lagu dhaawacay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran