Diyaarad Laga Leeyahay Dalka Ruushka Oo Markale Soo Dhacday

Wararka laga helaayo wadanka Ruushka ayaa sheegaayo in diyaarad Helicopter ah ay ku dhacday magaalada Krasnoyarsk. Diyaaradda ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha ee Igarka, waxayna inyar kadib ku dhacday agagaarka wabiga Yenisay ee magaalada Krasnoyarsk.

Ugu yaraan 15 qof, ayaa dhimatay, halka 10 kalana ay dhaawacantay, dadkii ku dhaawacmay shilkaasi ayaa waxaa loo qaaday goobaha caafimaadka, waxaana qaarkood sida la sheegay soo gaaray dhaawacyo daran.

Dowladda Ruushka ayaa waxay xaqiijisay burburka diyaaradaasi, balse ma aysan kala cadayn sababta dhabta ah ee keentay shilka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE