Xarakada Alshabaab Oo Weeraray Fariisin Ciidamada Puntland Ku Leeyihiin Buuraha Galgala

Kooxo ka tirsan Al-shabaab, lana aaminsanyahay inay yihiin kuwii biiray dhawaan Daacish ayaa xalay weerar ku qaaday fariisimo ay ciidanka Puntland ku leeyihiin deegaanka buuraleyda ah ee Galgala iyagoo ku werarey hub culculus.

Wararka ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab ayaa madaafiic ku weerareen fariisimaha ciidamada Puntland, iyadoo kaddib dagaal fool-ka-fool ah ku qaaday ciidamada Puntland.

Goobjoogeyaal ku sugan deegaannada ku dhow halka uu dagaalku ka dhacay ayaa soo sheegaya inay maqlayeen xalay hubka kala duwan ee la isku weydaarsanayay Buuraha Galgala.

Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaal toos iyo madaafiic ku qaaday fariisimaha ciidamada Puntland, ayna gudaha u galeen Buuraha Galgala, inkastoo aysan sheegin khasaaraha rasmig ah ee ka dhashay dagaalka.

Maamulka Puntland iyo Al-shabaab ayaa horay dhowr jeer ugu dagaallamay Buuraha Galgala, dagaalladaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo labada dhinac soo kala gaaray; inkastoo dowladda Puntland ay horay u sheegtay inay u baabi’isay Al-shabaabta Galgalaha hadana waxaa ay ku cileyeen inay ka feejiganyihiin weerarro ooga imaada dhanka daacish.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE