Xiisad Colaadeed Oo Weli Ka Taagan Magaalada Galkacyo Iyo Xaafado Laga Barakacay

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey colaad u dhexeyso labo maleeshiyo beeleed oo kala taageersan maamulada Puntland iyo Galmudug ka taagneyd magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Waxaa socday kulamo iyo dadaalo lagu dhexdhexaadinayo maleeshiyaadka oo isku hor fadhiya gudaha magaalada, waxaana laga deyrinayaa natiijooyinkii kulamadaasi oo badankooda noqday Hal Bacaad Lagu Lisay.

Magaalada Gaalkacyo waxaa aad ugu soo kordhay barakaca ay sameynayaan shacabka deganMagaalada gaar ahaan xaafadda Garsoor oo Kabdhood u noqotay maleeshiyaadka labada dhinac.

Maamulada labada dhinac ee maleeshiyaadkan kala maamula ee  Puntland iyo Galmudug ayaa kala xirtay aagag cusub iyagoo Ciidamo gurmad ah usoo daad gureeyay difaacyada ay isku hor fadhiyaan ee nawaaxiga Xaafaddaha Magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Galkacyo waa magaalada ugu amaan daran dalka Somalia, waxaana in badan lagu xasuustaa dilalka micno darrada ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran