Ciidamada Cirka Turkiga Oo Soo Bandhigay Muuqaalka Fariimahii La Siiyey Diyaaraddii Ruushka Ka Hor Intaan La Soo Ridin (Video)

Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa faafisay digniino ay ciidamada cirka Turkiga siiyeen diyaaraddii Ruushka ee bishan 24-keeda lagu soo riday xuduudda Turkiga iyo Suuriya wadaagaan.

Muuqaalka waxaa lagu muujiyey cod digniin ah oo 10 jeer lagu soo celceliyey mudo 5 daqiiqo gudahooda oo sidan ah “This is Turkish Air Force speaking on guard, You are approaching Turkish airspace change your heading south immediately”.

Daawasho Wacan:

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE