Falalkii Burcad Badeednimada Oo Dib Uga Soo Cusboonaaday Gobolada Dhexe Ee Soomaaliya

Wararka laga helaayo gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaayo in weeraradii Burcad-badeedda ay dib uga soo cusboonaadeen xeebaha deegaanadaasi oo ahaa meelaha ugu badnaa ee sumcad xumada u keenay dadka Soomaalida.

xoghayaha guud ee  Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa cambeeray afduubkii dhowaan loo gaystay dooni kalluumeysi oo lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya.

“Waxaan cambaareynayaa burcadnimada hubaysan ama burcadda badda,”ayuu yiri Danjire Nicholas Kay oo arrintan ka soo saaray war saxaafadeed.

“Xilli Soomaaliya ay horumar ka sameyneyso siyaasadda iyo ammaanka, laguna guda jiro dadaallada horumarinta dhaqaalaha, waxaan walaac ka muujinayaa dib u soo cusboonaanshaha falalka burcad badeedda.”

Dooni kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Pakistan, balse uu ka babanayay calanka dalka Iran, ayna saarnaayeen 15 badmaaxiin ayaa lagu afduubay xeebaha Soomaaliya, waxayna burcaddii afduubtay la aadeen dhinaca deegaanka Ceelhuur.

Waa weerarkii saddexaad ee dhacay bishan gudaheeda, balse Nicholas Kay wuxuus heegay inay jiraan weerarro kale oo badan oo fashilamay.

Sidoo kale waxaa soo badanaayo doomaha sida sharci darrada ah uga kaluumeysanaayo xeebaha Soomaaliya taasoo iyadana qayb weyn ka ah soo laabashada Burcad Badeedda Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE