Jahawareerka Gaas iyo fadaraalka soomaaliya oo tubtoosan qaaday – By: Yusuf Cumar

Dhulka soomaaliyeed burburkii dawladii dhexe kadib waxaa ka hanaqaaday dhulkii uduga iyo fooxa Puntland dawlad, hana tay dageenkeeda; kadibna ku guulaysatay inay soomaali isugu keento Mogdisho kana dhisto dawlad shaqaysa tabar daro kastaa ha haysatee oo ugu danbayn hada uu hogaaminayo madaxwayne xasan sheikh.

Puntland waxay soomartay khibrad nidaam maamul oo hab dawli ah u shaqeeya haba kataliyo dhul ama gobolo gaar. Khibrada maamul waxaa iska badalay marka laga reebo Gaas oo hada haya,ilaa 4 madax Wayne.Puntland waxay leedahay odayaal ruug cadaa wada ah oo siyaasiyiin ah ka soo shaqeeyay dawladihii  soomaaliya soomaray burburka ka hor.waxay leedahay khubaro leh cilmi diini iyo maadiba leh oo wada haysta shaahaadooyinka usareeya ee laga qaato jaamacaadka ee PHD.Puntland waxay leedahay Salaadiin,beel daajiyayaal,Garado,Boqoro,Islaano,Suldaano,Ugaasyo, leh karaamo oo ilaaliya dhaqanka soomaaliyeed ee soo jireenka ah oo yaqaan xeerka iyo dhaqanka reer puntland iyo soomaali guud ahaanba.

Punland way ka wayntahay marwalba shaqsiyaadka loo magacaabo maamulka ama ha ahaado mid sare ama mid hoose maamulkaasi.waynankaas waxaan ula jeedaa marka laba laga hadlayo 1.jiritaankeeda 2. jiritaanka umada iyo qaranka soomaaliyeed.Hada ragii hore ee aan talada hogaanka puntland u dhiibanay wado fiican ayay mariyeen.waxaanse meesha ka maqnayn in nin waliba lahaa dhaliil iyo ceeb kolkaa isaga u gaar ah, oo aan uula jeedo shacabka Puntland hormar dhanka dhaqaalaha ah iyo dhanka siyaasada oo ay higsanayeen maysan gaarsiin sidii larabay.dhanka kale waxay ku guulaysteen ragaasi inay xaliyaan dhibka gudaha ee puntland nabadana ka shaqeeyaan isla markaana ay baadi goobaan isuna keenaan inta tabartooda ahayd umadii soomaaliyeed wayna ku guulaysteen labadaba.

Hadaba waxaa cad ninka hada madaxwaynaha ka ah Puntland Dr Gaas in uu daw dheer ka tuuray mustaqbalkii intaa lasoo dhisayay ee Puntland.Waxaa tan barbar socota marlabaad hadana wuxuu wax u dhimayaa nidaamka iyo geedi socodka fadaraalka soomaaliyeed.xasuuso labadii qodob ee shacabka puntland ilaashanayeen wuu jabiyay. Halkan suaal baa imanaysa oo ah maxaa sidan uugu wacan Dr gaas? iyo muxuu kaga duwan yahay ragii hore? Tan hore waxaa uugu wacan,maha siyaasi,maha hogaamiye,maha geesi, maha indheer arag.waxaan qodob qodob u sharixi karaa si waafi ah noocan uu yahay een xusay balse waqtiga iyo maqaalkaan inoo saamaxaynin.sideen ku ogaaday anigu isaga oo aan ku bartay qofka uu yahay? anigu waxan ahay Puntland kolkaa ninkii usoo tafa xatay masraxa hogaaminta puntland hadee isagaa iskeen baray awalba yaa dadka ka yiqiin haduu aayar joogo gurigiisa!! sidaas ayaan u hufaynaa oo u sifaynaynaa nooca uu yahay ninkii halkaa soomara.

suaashii labaad hadaan ka jawaabo ragii ama madax waynayaashii ka horeeyay waxa uu kaga duwan yahay,iyagu waxay lahaayeen,aqoon,khibarad shaqo oo dheer,dawladnimada ayay kasoo shaqeeyeen waxbadan,waxay ahaayeen rag yaqaan dhaqanka soomaaliyeed iyo gaar ahaan kan gobolada puntland.waxay ahaayeen rag isku kalsoon aragtina leh oo indheer arag ah.waxaa lawaynayd in ay dhisaan puntland kadibna dawlad soomaaliyeed oo dalka oo dhan hanata soomaalina ka saarta dhibta iyo dawlad la aanta ayay rabeen.

Dr Gaas intii uu joogay shaqada wax la tilmaamo oo uu qabtay mahayno balse kusii adkayn mayno arinkaan.Madaxwaynuhu puntland waa khiyaamay maxaayeelay waxaa laysku ogaa in cid sheeganaysa dhulka puntland aan lala fariisan isla markaana GalMudug inay tahay sida dastuurku qabo soomaaliyeed gobol iyo bar sidaa daraadeed aysan noqonayn dawlad goboleed kamid ah fadaraalka,hayeeshee waxaan ku waa bariisanay isagoo mogdisho dhinac fadhiya GalMudug oo ay is aqbalsan yihiin waxna wada sixiixanayaan iyagoo garbo siman ah!!. shacabka isagoo u haysta in uu ka shahaado waynyahay kaligii mu tacalim ah ayuu kuyiri “puntland waxaan u cuntamin uma soo qaadayo” markuu galkacayo ka dhoofayay. Hadana waxa uu leeyahay arintii uu soo sixiixay shacabka galkacayo iyo puntlan haka caan oo ha dagaalamaan!!! waxa uu khatar galinayaa shacabkii puntland ee nabada haystay isagoo fashilkiisa ku qarinaya nasiib daro.

Ninkani waa in uu xilka dag dag u tiriyaa maxaa yeelay khatar buu ku yahay puntland nabadeeda gaar ahaan galkacayo,khatar buuna ku yahay geedi socodka nidaamka fadaraalka ee larabo in soomaali lagu mideeyo ku doorato madx Wayne iyo maamul,tanoo dan u ah puntland iyo soomaali oo dhanba.Madax Wayne Dr Gaas waxa uu ku dhex wareeray khibrad yari awadeed siyaasada puntland iyo fadaraalka,markaa in dadka la dagaal galiyo ayay la dhaafi wayday iyo caro.

Adeer cidna ma diidin in walaahayo Galmudug aan xeer iyo walaalnimo iyo wada noolaasho naga dhexeeyo ma diidanin,hadaan isku af garano in wax aan isku darsano ma diidanin,laakiin kolba dhan uroorka Dr Gaas ma ogolaanayno iyo dadka oo laysku baa basho macno daro.waxaa layiri “XAGAL GEEL WAX GO LAGALIYO KA WAYN”.

                                                Gabogabadii
Puntland waxay ogtahay in soomaaliya aysan ka maarmin inay hesho,dawlad fadaraal ah oo shaqaysa,sidaa daraadeed ka gaabin mayno waa rabnaa in la helo dawlad soomaaliyeed kumana xirayno shuruud guracan. Puntland waxay rabtaa hogaan aan u horseedin shacabka dagaal aan loo baahnayn oo khasaare cad ah.Dr Gaas ka yeeli mayno galkacayo oo aan intaa dhisaynay macno daro iyo dano uu leeyahay inay u burburto isagu inuu meesho dhaafo weeye puntland way tashan waa ceeb intaan kabadan in uu sii joogaa.Puntland wiilkaan yaroo curdanka ahi maha in uu walaaqo oo kolba dhan kaga yimaado oo la kufaa dhaco.Puntland hogaan ay ku aaminto masiirkeeda ayay dooranayasaa nasiibkii ninkii rabi u garto laakiin Dr Gaas xaq umalaha in uu sii joogo naguna beer laxawsado saaxiib tol iyo qaraabo.war ninkaan shaqadiisa hogaan kasoo bixi karin ama ku fashilma maxay ku falaysaa puntland? nin kursi loo dhibtay waxaa ka qiimo badan cidii u dhiibatay ma dad la aan baynu nahay sideen khatar muuqata usii eegan karaa?? Puntland marka hore nin waa usoo hogoogan karaa oo kursiga waa imankaraa laakiin ceeb waxaa lootagi markuu shaqo galo sida dhacday.

Laba arimood ayaa kursiga looga qaadayaa Dr Gaas haduusan iskii isu casilin tanoo sharaf u ahaan lahayd.
1.Puntland oo uu galiyay amaan keedii halis dagaalna abuuray
2.Fadaraalkii iyo geedi socodkii soomaali lagu dhoob dhoobayay oo uu walaaqayo.

labadanba waxay ka soo horjeedaan mabaadiida wadaniyiinta puntland oo raba hormar iyo dawladnimo.

Fiira gaara Hadii aan shaqsi ahaan madax Wayne gaas wax uuga sheegay ulama jeedo sidaa,waxaan u jeedaa waxkasta oo xagiisa ah oo khuseeya xilka aan u dhiibanay kadib markuu naga codsaday shaqada uu hayo xaqbaana uugu leeyahay inaan waxaygii ku taba taagnaado.sidaa haloo fahmo.

WQ: Yusuf Cumar

Email: mashruuc5@hotmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran