Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Gaaray Degmada Cadaado

Waxaa goor dhow magaalada Cadaado gaaray wafdi oo uu hogaaminayo raysal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyadoona halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyey.

Waxaa la filayaa in raysal wasaaraha magaalada Cadaado kula kulmo Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug, waxa uuna kala hadli doona sidii loo qaboojin lahaa colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Waxaa socdaalka ku wehliyaha raysal wasaaraha wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, kuwaasoo qorshahooda yahay soo afjarida xiisada u dhaxeysa maamulada Galmudug iyo Puntland.

Si kastaba ha ahaatee raysal wasaaraha ayaa u gudbi doona magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe, si uu halkaasi uu ugala kulmo mas’uuliyiinta Puntland iyo nabadoonada si loo soo afjaro colaada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE