Dagaal Culus Oo Dib Uga Qarxay Magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ku waramaya in saaka markale dagaal qaraar dib uga qarxay magaaladaasi.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu bilowday kadib markii maleeshiyaadkii Galmudug ee diidanaa dhismo wado Laami ah oo Puntland dhiseysay ay weerar ku qaadeen ciidamada maamulka Puntland oo halkaasi fariisin kulahaa.

Wararka aan heleyno waxay sheegayaan in la maqlayo dhawaqa qoryaha culculus ee labada dhinac isku ridayaan iyadoo sida lagu soo waramayo dagaalka maanta uu ka culus yahay kii dhacay isbuuc ka hor.

Waxyeelada dhabta ah ee dagaalka ka dhashay wali lama shaacinin. Sida muuqata waxaa burburay waan-waantii labada dhinac u socotay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE