Danjiraha Soomaaliya U Fadhiyo Indonesia Oo La Kulmay Madaxweynaha Dalkaasi

Safiirka Soomaaliya ee dalka Indonesia Danjire Cabdixakiin Ugaas Cali Yaasiin ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaasi Joko Widodo, kaasi oo ka dhacay magaalo madaxda dalka Indonesia ee Jakarta

safiir

Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, sidoo kale kulanka intii uu socday waxaa ay kawada hadleen mas’uuliyiinta qaban qaabada booqasho rasmi ah oo lafilayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmuud uu ku tegi doono dalkaasi Indonesia..

Danjiraha Soomalaiya u fadhiya dalka Indonesia ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Indonesia ay isla meel dhigeen arrimo badan oo ay ugu horeyso xoojinta xiriirka labada dal.

Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynaha daljka Indonesia uu warqadihii aqoonsiga safiirnimo ka guddoomayay safiirka soomalaiya ee dalkaasi, taasi oo ku dareensiinaysa sii xoogaysiga horuamarada dhanka diblomaasiyada oo dowladda Soomaaliya ay ka soo haysay xiriirka kala dhexeeya dowladaha caalamka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran