Qodobo Xasaasi Ah Oo Laga Soo Saaray Kulan Maanta Markacadey Ku Dhexmaray Gudoomiye Xasan Cumarey Iyo Odayaasha…

Iyadoo fashil aan la qarin karin uu dhex-maquuranayo maalinba maalinta ka dambeysa gudoomiyaha Degmada Marka Xasan Cumarey ayaa isku deygiisa ugu dambeeyay ee uu isaga dulqaadayo culeyska saaran ayaa gudoomiyaha waxa uu maanta kulan kula qaatay magaalada Marka odayaasha iyo waxgaradka degmada.

Kulankan oo uu codsaday gudoomiyaha ayaa waxaa ka soo qeybgalay odayaal iyo waxgarad miisaan leh oo magac iyo qadarin ku leh bulshada Marka dhexdeeda, waxaana labada dhinac ku jeex-jeexeen dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku horgudban gudoomiye Xasan Cumarey iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Odayaasha iyo waxgardka kulanka ka qeybgalay ayaa ku dhaliilay gudoomiyaha in uu hareermaray dhaqanka iyo waxgaradka degmada, tan iyo markii uu yimid magaaladana uusan la hadlin waxgaradka degmada.
Gudoomiye Xasan Cumar ayaa dhinaciisa garwaaqsaday eedeynta kaga timid odayaasha, waxa uuna ka codsaday in ay la shaqeeyaan, wixii horay u dhacayna leyska iloobo.

Gabagabadii kulanka ayaa gudoomiyaha iyo waxgaradka waxa ay isku raaceen in lala shaqeeyo gudoomiye Xasan Cumar, laakiin taageeradana aysan noqon doonin mid laab la kac ah ee gudoomiyaha dhinaciisa looga baahan yahay in uu la yimaado waxqabad, isla markaana uu wax ka qabto mooriyaanta dhibaatada ku heysa dadka degmada.

Waxaa kulanka laga soo saaray:

1. In laga qaado  ciidamada deegaanka baraha ay ka fadhiyaan wadooyinka laga soo galo magaalada Marka gaar ahaan kuwa Deegaanka Ceeljaale iyo Waa Cunaa Waa Cabaa.

2. In maamulka gudoomiye Xsan Cumar lagu xoojiyo ciidamo dheeraad ah, si uu noqdo maamul awood u leh in uu howshiisa guto.
3. In la qaado isbaarooyinka maleeshiyada Swiss Kalmo iyo Cali Nuure u yaala gudaha magaalada Marka, laguna qaado iyadoo loo marayo qaab maamul.

3.in xaflad xilwareejin ah loo sameeyo gudoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed Cusmaan Yariisow, uuna si rasmi ah xilka ugu wareejiyo gudoomiye Xsan Cumar.

Kulankan ayaa yimid maalmo kadib markii maleeshiyada Hay’ad beeleedka Swiss Kalmo ay is hortaageen canshuur ururin uu maamulka gudoomiye Xasan Cumar ka bilaabay magaalda Marka, ayna handadeen ganacsatadii magaalada Marka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE