Xog: Goobaale Oo Hor-istaag Ku Sameeyay Booqasho Uu Gudoomiyaha Gobolka Sh.Hoose Ku Tegi Lahaa Marka Iyo Baraawe

Booqasho uu damacsanaa in gudoomiyaha cusub ee gobolka Sh.Hoose Ibrahim Aadan uu ku tago degmooyinka Baraawe iyo Marka ayaanan suurta gelin kadib markii uu waayay ciidamo u galbiya asiga iyo wafdigiisa labadaas degmo.

Ciidamada nabadsugida oo lagu waday in ay galbiyaan gudoomiyaha gobolka Sh.Hoose ayaa markii leysugu tagay goobtii ay ka bixi lahaayeen, taliayaha madaxda u ahaa ciidamadaas sheegay in ay ka baaqdeen safarka kadib markii uu qadka teleefanka kula xiriireen Maxamed Jimcaale Rooble(Goobaale).

GOobjooge ku sugnaa xarunta ay ka ambabixi lahaayeen wafdiga gudoomiyaha cusubka ee gobolka Sh.Hoose maalin ka hor ayaa markacadey.com u sheegay in aan la aqoonin waxa ku dhex maray telefanka taliyaha ciidamada galbin lahaa gudoomiyaha iyo Goobaale laakiin markii uu dhameystay telefanka uu u sheegay wafdiga in booqashada gudoomiyaha gobokka Sh.Hoose dib loo dhigay sababo ammaan awgood.

Ciidamada galbin lahaa gudoomiyaha ayaa ahaa 4 gaari oo nooca Cabdibilaha loo yaqaano ee tiknikada saaran tahay, waxayna ahaayeen dhamaantood Soomali, mana jirin ciidamo Amisom ah oo ku wehelin lahaa booqashada.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE