Dil iyo Dhac Fool Xun Oo MAANTA Ka Dhacay Deegaan U Dhow Degmada Marka

Maleeshiya ka amar-qaadata wasiirka ganacsiga ee maamul goboleedka K.Galbeed Cabdullahi Sheekh Xasan ayaa jidka u galay gawaari ka timid magaalada Marka una soo socotay magaalada Muqdisho,kuwaas oo marayay wadada dhinaca xeebta ah ee marta Deegaanka Jaziira.

Maleeshiyadan ayaa toogtay mid ka mid ah darawalada laba gaari oo ay jidka u galeen, kadibna waxa ay mid mid u baarteen rakaabkii saarnaa gawaaridaas.

Dilka ay u geysteen darawalka ayaa keenay in gaariga oo marayey meel dalcad ah uu rogmado, dhowr qofna ay ku dhaawacmeen.

Falkan ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Baqal iyo Xawaalow oo u dhow deegaanka Jazeera.

Maleeshiyadan ayaa sidoo kale dhac u geystay gawaari kale oo ka dambeeyay labada gaari ee aan soo xusnay, kuwaas oo iyana rakaab waday.

Maleeshiyada dilka iyo dhaca geysatay ayaa markii dambe afduubtay mid ka mid ah gawaarida ay jidka u galeen iyagoona u dhaqaaqay dhinaca deegaanka Laanta Buuro.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran