Fadeexo:Loolanka Ibarahim Cadow Iyo Ibrahim Cali Xaaji Oo Kululaaday Iyo Ibrahim Cali Xaaji Oo Xildhibaano U Kaxeystay Xerada Xalane

Ibrahim Cadow Iyo Ibarahim Cali Xaaji Oo Isku heysta jagada Suldaanimo ee beesha ay ka soo jeedaan ayaa khilaafkooda meel culus gaaray, iyadoo mid walba uu ku doodayo in uu yahay Suldaanka sharciga ah.

Labadan shakhsi oo mid walba sharciyad ka raadinayo Xafiisyada Qaramada Midoobey iyo Amisom ee Soomaliya ayaa wada dadaalo uu ku doonayo in uu kaga dhaadhiciyo in uu yahay suldaanka saxda ah, iyadoo aysan isku mashquulineyn in ay sharciyadooda ka raadsadaan beesha ay ka dhasheen.

Arinta ugu darneyd ayaa dhacday maalin ka hor kadib markii Ibrahim Cali Xaaji oo dareemay in saaxiibkiis uu uga tartan badinayo dhinaca hay’adaha ajnabiga ah ee daneeya arimaha Soomaliya uu u kaxeystay xerada Xalane 7-da xildhibaan ee beeshooda ay ku leedahay baarlamaanka Soomaliya, si ay uga dhaadhiciyaan Xafiiska Qaramada Midoobey iyo kan Amisom in Ibarahim Cali Xaaji yahay Suldaanka saxda ah ee beeshooda.

Xildhibaanada uu kaxeystay Ibrahim Cali Xaaji ayaa waxaa ka mid ahaa: Cabdullahi Sheekh Ismaaciil, Siciid Maxamed Cali, Cabdullahi Abyan Nuur, Cabdulllahi Awyare, kuwaas oo dhammaantood iska xaadiriyay xerada Xalane si ay ugu marqaati-kacaan Ibraahim Cali Xaaji in uu yahay suldaanka saxda ah.

Waxaa iyadana fadeexad ah in xildhibaanadan oo aan marna ka damqan dhibaatada lagu hayo dadkooda ay waqtigooda ku lumiyaan in ay sharciyad suldaanimo u raadiyaan shakhsi sharciyad ka waayay dadkiisa.

Arintan ayaa muujineysa heerka ay marayaan madaxda gobolka Sh.Hoose, ha ahaadeen oday-dhaqameed ama siyaasiyiin, oo sharciyada ka raadiya dalalka iyo hay’adaha shisheeye iyadoo xaqira dadkooda, una arka kuwo aysan mudneyn in ay shirciyad ka raadsadaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran