Gawaari Dagaal Iyo Agab Ciidan Oo Ku Socda Ciidamada Deegaanka Oo Goor Dhow La Gaarsiiyay Degmada No 50

Waxaa goor dhow gaaray degmada No 50 wafdi ka socda dowladda somaliya oo u wada agab ciidan ciidamada deegaanka ee ku sugan gobolka Sh.Hoose.

Qaar ka mid ah madaxda ciidamada deegaanka ee ku sugan Degmada Lambar 50 noo xaqiijiyay in la soo gaarsiiyay 4 gawaari oo nooca Cabdi Bilaha ah oo laba ka mid ah ay saaran tihiin qoryaha culus, labada kale aysan wax qori ah saarneyn, kuwaas oo ay ku howlgeli doonaan ciidamada deegaanka.

Warka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale la soo gaarsiiyay dareeska ciidanka oo dhan 150 joog.

Saraakiisha aan warka ka soo xiganay ayaa sheegay in ilaa hadda aysan si rasmi ah u gudoomin qalabkaas, laakiin waqtiyada soo socda ay la wareegi doonaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE