Gudoomiyaha Degmada Afgooye Oo Baaq Diray

Gudoomiyaha degmada Afgooye Cabdiqani Yusuf ayaa ka hadlay ammaanka Degmada Afgooye.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in wax weyn ay ka qabteen dhinaca ammaanka, ayna dhigeen dhammaan xaafadaha degmada ciidamo suga ammaanka.

Gudoomiye Cabdiqani ayaa intaa ku daray in ay sii wadi doonaan howlaha ay ku sugayaan ammaanka degmada.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka in ay qeyb ka qaataan howlaha lagu sugayo ammaanka ayna la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE