Hay’ad Beeleedka Swiss Kalmo Oo Xusul-dhuub Ugu Jirta In Loo Cusbooneysiiyo Qandaraaska Cisbitaalka Marka

Hay’ad beeleedka Swiss Kalmo oo mudooyinkii ugu dambeeyay xoog ku heystay cisbitaalka Marka ayaa weli wada dadaalo ay ku dooneyso in loo cusbooneysiiyo qandaraaska ay ku soo qaadatay Cisbitaalka Marka.

Cisbitaalka Marka ayaa ahaa sanadihii ugu dambeeyay mid aan shaqeyn, isla markaana lacaga tirada badan ee ay hay’adda Swiss Kalmo ku soo qaadato ay u adeegsadaan in ay ku maalgeliyaan dagaalada ay ku barakicinayaan dadka deegaanka.

Waxaa hadda ka dhammaaday Hay’ad beeledka Swiss Kalmo Qandaraaskii ay ku soo qaadatay Cisbitaalka oo ay u fududeeyeen rag ku sugan Muqdisho Nairobi, waxayna wadaan dadaalo ay ku doonayaan in mudo laba sano oo kale loo cusbooneysiiyo, si daawada iyo qalabka caafimaad ee loogu tala galay dadka degmada Markana ay suuqyada ugu gataan lacagana uga sameeyaan.

Dadweynaha degmada Marka iyo deegaanada hoos yimaada ayey heysataan dhibaato dhinaca adeega caafimaadka ah, iyadoo goobta ugu sokeysa ee ay adeeg caafimaad ka helaan ay tahay Cisbitaalada Muqdisho, iyadoo Cisbitaalka Marka-na uu u afduuban yahay Hay’ad beeleedka Swiss Kalmo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran