Jaaliyadda Beesha Biimaal Ee Dalka Sacuudiga Oo Dhaqaale Ku Taageeray Gudoomiye Xasan Cumarey

Jaaliyadda beesha Biimaal ee Sacuudiga ayaa taageero dhaqaale oo xoog leh u dirtay gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumarey.

Mid ka mid ah xubnaha maamulka jaaliyadda Sacuudiga ayaa u sheegay Markacadey in ay go’aansadeen in ay ku taageeraan gudoomiyaha lacagahaas, kadib markii ay arkeen duruufo dhinaca dhaqaalaha ah oo aad u xooga leh oo heysata gudoomiyaha,kana horistaageysa in uu guto howshiisa.

Ilaha aan warkan ka soo xiganay ayaa intaa ku daray in taagerada dhaqaale ee ay la garab istaageen gudoomiye Xasan Cumar ay u arkeen mid waajib ku ah, ayna qeyb ka tahay dadaalada ay wax ugu qabanayaan dadkooda.

Mar aan weydiinay tirada lacaga ay ku taageereen gudoomiye Xasan Cumarey ayaa waxa uu ku gaabsaday: wax aad u yar laakiin waxaan qorsheyneynaa inaan mustaqbalka taageeradeena laba jibaarno.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE