Maamulka Gudoomiye Xasan Cumar Oo Howl Muhiim Ah Beri Ka Bilaabi Doona Magaalada Marka

Mamulka degmada Marka ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah uu ka bilaabo suuqyada iyo goobaha ganacsiga canshuur- aruurin.

Talaabadan ayaa daba socota shirkii maalintii shalay ahayd ka dhacay oo ay ku heshiiyeen waxgaradka degmada Marka in la taageero maamulka Gudoomiye Xasan Cumar.

Canshuur-ururinta beri bilaaban doonta ayaa ah imtixaan adag oo horyaala gudoomiye Xasan Cumar oo hadii uu ku guuleysto in uu canshuur ka aruuriyo mgaalada Marka ay noqon doonto talaabo horumar leh oo uu u qaaday hirgelinta maamulkiisa.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE