Iyagu Somali Ma Ahayn Miyaa? W/Q:Salman Khadar

Waa in ay Dadku Fekeraan oo is weydiiyaan, Sababta Dawlada Federaalka ugu Gurman waysay Dagaaladii Jowhar iyo Tuulooyinka hoos Yimaada ka Dhacay, ee Somalida Shiidle Beerahoodii iyo Aqaladoodii lagu gubay, in ka badan 160 ruuxna looga Dilay, Dagaaladaas oo Socdey Maalmo ka Badan 15. Su’aasha is weydiinta Mudan ayaa ah: Dadkaas Somali ma ahayn miyaa?

Maxey Dawlada Federalka ah ugu Gurman waysay Colaadii ay ka aloostay Kismaayo, Taasoo ay ku dhinteen in ka badan 74 ruux oo isugu jira, Dhinacyadii Dagaalamaayey iyo Dad Shicib ah, C/kariin Guuleed oo isagu ahaa wasiirka arimaha gudaha, iyo Culusow Waxay si Toos ah idaacadaha uga Sheegeen, inay Dhexdhexaad ka Yihiin, Qolyaha kismaayo isku haysta. Su’aasha is weydiinta Mudan ayaa ah: Dadkaas Somali ma ahayn miyaa?

Maxey Dawlada Federaalka ah ugu Gurman waysay, Colaadii ay ka aloostay,Lambar kontan, marka Cadeey iyo Tuulooyinka hoos taga, Goobaale oo kasoo jeeda Gobolada dhexe, ahaana sarkaal matala Dawlada Federalka ah uu ku Xasuuqay dadkii deegaanka u dhashay Beerihiina uga gubay, xasuuqna u geystay Boqolaal ruux oo ku abtirasada beelihii deegaankaasi lahaa ee Biimaal. Su’aasha is weydiinta Mudan ayaa ah:

Dadkaas Somali ma ahayn miyaa?

Maxey Dawlada Federalka ah ugu Gurman waysay, Dagaaladii daba dheeraaday ee dhex maray, Dadka reer Hiiraan, Dagaaladaasoo ciidamo Federalka oo Hab beeleed u abaabulan ay ku Xasuuqeen dad shacab ah oo u dhashay beesha Surre, Dhowr Tuulana uga Gubeen. Su’aasha is weydiinta Mudan ayaa ah: Dadkaas Somali ma ahayn miyaa?

Daminta Labo Colaad ayey abid Dawlada Federalka ah isu xilqaantay, Labadaasi Dagaalna Natiijadooda ayaa Noqotey sidii ay rabeen si ka Duwan, Midi waa Dagaalkii Guriceel, oo Culimada ahlu Suna ay jilbaha u aasteen Ciidamadii Taabacsanaa Culusow.

Midina waa Dagaalkii ay Puntland, Galkacyo banaanka uga Saartay Meleyshiyaadkii Baraxley ee Culusow iyo Guuleed soo abaabuleen, kolkaas buu Safiihigu ku Oran “Nabad dadka walaalaha ah ee ku Diriraya Galkacyo” Ma Dad walaalo ah baa Galkacyo ku Diriray, Mise Puntland baa Hangool Qaloocan isaga Qabatay Damu jadiid iyo Xaaraan ku Naaxyadii ay soo adeegsadeen? Kuwaasoo siduu culusow xilka u Qabtayba hurinayey, Cadaawad iyo Coleytan.

Si kastaba Plan-kii koowaad markii uu damu jadiid ka Fashilmey Waxay isla markiiba galkacyo usoo Direen R/W, Wasiirka arimaha gudaha, Wasiirka gaashaandhiga, Wasiirka Cadaalada, Xildhibaano, Madaxda Dawlad Goboleedyada, wafuud ka socota Xamar iyo Gobollada, waxaana isla markiiba bilaabatay Dadka ehelka ah, Dadka walaalaha ah, Dadka Somalida ah, iyo Buun buunin, Kuwii magac dowladeed lagu dhibaateeyay, deegaankooda inta loogu tagay boqolaal haween, caruur iyo dad da’ ah looga xasuuqay;  Iyagu Somali ma ahayn Miyaa?!

W/Q:Salman Khadar.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran