Sarkaalkii Amisom Ee Haaysatya Taliska Dowlada Hoose ee Marka Oo La Bedelay

Warar si hoose aan u helnay ayaa sheegaya in taliska Ciidamada amisom ee fariisinka ku leh Deegaanka Ceeljalae uu bedelay taliyihii Amisom ee ku sugnaa Xarunta Dowlada hoose ee Marka.

Taliyaha la bedelay oo lagu magacaabo Abuu ayaa lagu eedeeyey taageero siinta Mooryaanta iyo is daba marin, iyo dayacaada Maamulka Marka oo xafiisayada ay ku weerareen Mooryaanta Swiss kalmo.

Kulan dhawaan ka dhacay Marka oo si gaar ah ay u wada qaateen Gudoomiye Xasan Cumarey iyo taliyaha haaysta ama maamulad xerooyinka ku kala yaala Nambar 60 ilaa Ambareeso ayaa isku soo hadal qaaday dayacaada Maamulka Marka oo meel wax ka yar 55 tallaabo u jirta xerada amisom lagu weeraray.

Taliyaha la bedelay ayaa lagu eedeeyey u hiilinta Mooryaanta soo duushay, mar sii horeysay ku anqariyey lcagaha laaluushka, waxaana qoondo uu ku lahaa lacagaha baada ah ee laga qaado ganacsatada.

Sidoo kale waxyaabaha keenay bedelida sarkaalkan ayaa la sheegay in lagu ogaaday dhaqaale gaar ah oo uu ka qaato xarumaha Hormuud ee Marka iyo xarunta ha’ey’ad beeleed Swiss, si uu taagero u siiyo Mooryaanta oo diidan Maamula iyo kala dambeyn Mark ka hana qaada.

Weli ma helin sarkaalka lagu bedelay Abuu iyo Magaciisa, waxaan dhawaan soo gudbin doonnaa cadeymo muujinaya heerka uu gaarsiisanyahay musukhmaasukha amisom ay ku haayso xarumha Marka ku yaala.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE