In Ka Badan 40 Qof Oo Ku Geeriyootay Mareekanka Ka Dib Duufaano Xoog leh Oo Ku Dhuftay (Muuqaal)

Ku dhawaad 43 qof ayaa ku dhimatay duufaano iyo fatahaado ka dhacday qeybo ka mid ah gobalada Maraykanka iyadoo la filayo in tirada khasaaraha intaasi kasii badato.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda duufaan baraf wadata ay ku dhufato gobalka New Mexico ee dalkaasi Maraykanka arrintaasi oo ay dowlada shacabka uga sii digtay.

Gobalada Texas, Illinois iyo Missouri ayaa kamid ah goobaha ay khasaarada ugu badan ka dhacday, waxaana burbur soo gaaray guryo badan oo ay ku habsatay dabeysha loo yaqaan TORNADO oo ciida ku dartay dhul aad u balaaran oo kamid ah waqooyiga gobalka Texas.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran