Baarlamaanka Koonfur galbeed Oo Maanta Dooranaya Gudoon Kumeel gaar ah

Baarlamaanka Maamulka Koonfur galbeed oo shalay lagu dhameystiray dhismihiisa Magaalada Baydhaba ayaa maanta yeelanaya Gudoomiye ku meel gaar ah.

Kalfadhiga koowaad ee maanta uu yeelanayo Baarlamaanka ayaa ku dooran doona Gudoomiye iyo ku xigeenadiisa, si ay u dejiyaan hanaan lagu gaaro doorasho lagu soo doorto gudoomiye iyo ku xigeeno.

Gudoonka maanta la dooran doono ayaa la sheegay in uu ahaan doono Shakhsiga ugu da’da weyn Baarlamaanka hada xaadirka ah kaas oo sii wadi doona howlaha Baarlamaanka inta laga soo dooranayo gudoomiye.

Qaar ka mid ah Wasiirada Maamulka Koonfur galbeed ayaa sheegay in Maamulkooda uu yeeshay Baarlamaan dhameystiran dhawaanna la guda gali doono dejinta shuruucda kale ee Maamulka.

Baarlamaanka Koonfur galbeed oo ka kooban ilaa 145 Mudane ayaa lagu tiriyaa Baarlamaanka ugu tirada badan Maamul Goboleedyada dalka ka jira, waxaana dhismihiisa la sugayey in ka badan hal sano.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran