Deg Deg Baarlamaanka Koonfur galbeed Oo Doortay Gudoomiye Kumeel gaar ah

Kulan maanta ay yeesheen Baarlamaanka Maamulka Koonfur galbeed si uu u gada galaan howlahooda ugu horeeyey ayaa doortay gudoomiye ku meel gaar ah.

Kulanka oo weli socda ayaa waxa kasoo qeyb galay Madaxweynha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha Kumeel gaarka ah ee la doortay ayaa lagu magacaabaaa Cabdulle Mursal Xuseen oo kasoo jeeda Beel weynta Biimaal/ deegaanada Bakool kaas oo noqday ninka ugu da’da weyn ee baarlamaanka.

Cabdulle Mursal ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii ugu horeeyey ee loo dhaariyey xilkan, waxaan soo gudbin doonnaa hadba waxa uu kusoo gaba gaboobo kulanka oo weli socda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE