Dhegeyso Gudoomiye Yariisow “Marka Soomaali May Ka Tirsaneyn, Mise Dan Lagama Lahan, Wax Mas’uul Oo U Maqan Ma jiro”

Gudoomiyihii hore ee Magaalada Marka Mudane Maxamed Cusmaan Cali yariisow oo weli ku adkeesanaya in uu yahay Gudoomiyaha Marka ayaa si kulul u weeraray Madax ku sheega ku sugan Muqdisho iyo Baydhaba.

Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in Marka iyo nawaaxigeeda in ka badan seddax sano uu ka socdo dagaal duulaan ah oo dhul ballaarsi ah islamarkaana anaay jirin cid u maqan iyo mas’uul ka hadlaya dhibaatada ka jirta.

Waxa uu tusaale u soo qaatay xalka laga gaaray dagaal ka kala dhacay Gaalkacyo iyo Beledweyne oo Dowlada fashililantay ay door ka qaadatay in ay demiso colaada hase ahaatee Marka aan laga laheyn wax dan ah.

Gudoomiye Yariisow ayaa su’aal ka keenay “Marka Soomaali may ka mid aheyn, ma ajnabi baa, ma meel ay u danqaneyn Madaxweyne, R/wasaare, Wasiiro iyo Xildhibaano miyaa”?

Waxa uu intaa raaciyey “Xilli Soon ah ayaa Marka lagu soo duulay kufsi, dhac iyo dil ayaa dhacay, weli ma arkin Mas’uul u hadlay, waxaan ogaanay in Gobolkan uu la heyn Mas’uul, u maqan ilaa hada dagaal ayaa socda cid ka hadashay ma jiro”.

“Xildhbaanada Deegaanka sheegta waxaan weydiihaa Kursiga ay ku fadhiyaan Gobolka ma lahan miyaa, weli ma arkin xitaa shan Xildhibaan oo shacabkooda dhibka la wadaaga” ayuu ugu dambeyn hadalkiisa sii raaciyey Gudoomiye Yariisow.

Hadalka Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow ayaa u muuqda mid kaga hadlay xaqiiqda jirta waxaana daboolka uu ka qaaday in Soomaaliya aysan isku mid ahayn oo kala jeclahay.

Waxaana sidoo kale ficilada Dowlada Muqdisho ay muujinayaan in Colaada ka jirata Shabeelada hoose ay gacan ku leedahaya maadaama ay jirin wax mas’uuliyad ah oo ka saarna dhibka taagan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran