Kooxda Daacish Oo Dooneysa Inay Saldhig Ku Yeelato Soomaaliya (Video)

Kooxda ISIS ee ka dagaalama Dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa isku dayeysa inay saldhiga ka dhisato koonfurta dalka Soomaaliya oo ay doonayso inay la midowdo dagaalyahaanada Shabaab.

Waxaa jiray fariimo kooxdani ay hawada u soo mariyay madaxda Al- Shabaab, iyagoo waydiisanaya inay ku soo biiraan Walaayada Islaamiga ah ee ka hanaqaaday dalalka Suuriya iyo Ciraaq, laakiin Madaxda Ururka Al- Shabaab ayaa ku gacan sayray, sheegayna inay kamid yihiin kana mid ahaan doonaan Uruweynha Al Qaa’ida.

Mudooyinkan danbe ayaa waxaa Gobolo kamid ah dalka Soomaaliya oo ay kamid yihii Jubooyinka, Gedo, Sh/Hoose iyo Buuraleyda Galgala iyo Cal Miskood ay ku dagaalameen Urur diimeedyo kala Taageersan ISIS iyo Al-Shabaab, tani ayaa waxa ay kuu muujineysaa in Masraxa Qalaanqalka Soomaaliya ay ku soo biirtay Qolo Cusub oo isku dayaysa inay meesha ka saarto Ururka Al Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE