Dhegeyso Prof. Jawaari “Waxaad U Barateen Balaayo Ku Shoob iyo Shar Sheeg Aan Wanaag Sheegeynin”

Gudoomiyaha Baalamaanka dowlada Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Kawaari ayaa eedeyn culus usoo jeediyey bahda warbaahinta Soomaaliyeed oo ku eedeeyey kuwo ka bad badinaya wararka la xiriira khilaafka iyo balaayada.

Jawaari ayaa sheegay in saxaafada ay u barteen balaaya ku shoob iyo sheegidda sharta, waxa si cara leh uu  u yiri waxaad sheegtiin idin ma jawaabo yastiin aad idin yasayo darteed.

Gudoomiye jawaari ayaa tusaalooyiin usoo qaatay war saxaafada soomaalida isaga ay ka qortay oo ku saabsanaa safar uu ku aaday dalka Imaaraad oo loo bedelay in uu u aaday in beerka laga soo qalayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE