Sida Reer Marka Aysan Rajo Uga Qabin Xil Ay Ka Qabtaan Dhuusamareeb Ayey Reer Dhuusamareebna Uga Rajo La’aanayaan Xil Ay Ka Qaataan Magaalada Marka

Fariintan gaaban waxaan hadiyad uga dhigayaa qolooyinka damaca waalan uu ka haayo magaalada Marka,  waxaan idiin leeyahay in dadka dego magaalada Marka ay ku qoran yihiin Buugaag waaweyn oo ku keydsan Maktabado (Library) ajnabi leeyahay sida Roma Library iyo meelo kale. Magaalada Marka waxaa dego beesha Biimaal oo iyada aasaastay magaaladan dhowr qarni ka hor, waxaa ku weheliyo Biimaal oo deggan beelaha 12-koofi (Dadka Cad-cad), tuulooyinka ku hareereysan magaalada Marka dhammaantooda waxaa deggan beesha Biimaal.

Si kasto oo aad u adeegsataan awood dowladeed iyo Warbaahin beeleysan oo markii mooryaantiina rasaas loo dhadhansiiyo ku hadaaqo ereyadan marin habaabinta ah “Dagaal Beeleed iyo Beelo magaalada Marka Wada dego IWM”, taasi ma idiin siineyso xuquuda ah inaad noqotaan Reer Marka. Sidoo kale, Been ayaad naftiina ku qancilneysaan haddii aad rumeysataan tiro-koobkii qaldanaa ee warbaahintiina maalmahaan ku hadaaqeysay ee ahaa in degmada Marka aad xubin Baarlamaan ka heli lahaydeen haddii doorashada Baarlamaanka Federalka ee 2016-ka heer degmo lagu saleeyo.

Kuwa amarada ka soo bixinaayo Villa Somalia iyo kuwa ciidanka ah ee ku howlan maquuninta beesha Biimaal waxaa idiin ogeysiinayaa in dagaalka Sh.hoose uu socon doono inta beesha Biimaal looga madax-banaaneeyo maamulka deegaanadooda oo ay ugu horeyso degmada Marka iyo guud ahaan dhulka beesha degto oo dhan, Biimaal ciidan dowlad iyo hub dowlad midkoodna ma lagu maquunin karo taasi idinka ayaaba dhadhamiyey oo tijaabiyey. Gudoomiye Xasan Cumar Waa gudoomiyihii 3-aad ee degmada Marka oo mooryaan ciidan dowladeed adeegsaneyso ay afgembiyaan,  dadka magaalada Marka waxay khibrad ka kororsanayaan habdhaqankiina gurracan mar walbo oo ficilada noocaas ah sameysaan.

Ugu dambeyn waxaan idiin sheegayaa in idiinkoo hubkii dowladda federalka adeegsanaayo ayaad guul darreysateen waadna qiran la’dihiin qaladkiina, waxgaradka degmada Marka iyo guud ahaan gobolka way ogyihiin yihiin inaad ka Qoomameyneysaan fal-dambiyadeedyadiinii abaabulnaa ee aad mar walbo shaar cusub u soo xiraneyseen sanadihii ugu dambeey ee 2013, 2014 ilaa 2015-ka.

DIGNIIN: Beesha Biimaal waxaan uga digayaa inay jiljileec u muujiyaan tuugadaan qarniga 21-aad raadineyso dhul isla markaasina xakameeyaan shakhsiyaadka Biimaal oo iyagoo aan la tashanin waxgaradka beeshooda horfadhiisanaayo heshiisyo la saxiixanaayo kuwa dhulka Biimaal damaca ka qabo.

 

WQ: Bishaar Xaaji

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran