Dhegeyso Xeer Saxaafadeed Oo Uu Muran Ka Taaganyahay Oo Laga Ansixiyey Baarlamaanka Fedaraalka

Baarlamaanka fedaraalka ayaa maalintii shalay meel mariyey xeer lagu sheegay xeerka saxaafada Soomaaliyeed kaas oo in muda ah laga sugayey ansixintiisa.

Ka dib meel marinta xeerkaas ayaa waxa soo baxaya muran badan oo la xiriira qaabka loo maray dejintiisa iyo in loo baahanyahay in la saxo qaladaad badan oo ku jira xeerka.

Cumar Faaruuq oo sheegta in uu yahay Gudoomiya Ururka Suxufiyiinta Nosoj oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowlada Muqdisho in uu ansixin xeerkan.

Waxa shalay isagana dhnkiisa hadlay Maxamed Ibraahin Bakistaan oo soo dhaweeyey ansaxinta Xeerka saxaafada oo in muda ah hor yiilay Baarlamaanka.

Dhegeyso Cumar Faaruuq.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran