Ergeygiii Gaarka Ahaa Qarmada Midoobe Ee Soomaaliya Oo Ka Dhoofay Muqdisho (Sawiro)

Ergeyga gaarka ah ee qaramada Midoobe u qaabilsanaa Soomaaliya ninka lagu magacaabo Nicholas Kay ayaa macsalaameeyey dalka ka dib markii uu ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde isagoona soo gaba gabeeyey mudo ka badan laba sano uu joogay Soomaaliya.

Inta Nicholas Kay uu ka duulin Garoonka ayaa xaflad sagootin ah loogu sameeyey Garoonka halkaas oo ay ku sugnaayeen wakiilada beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo wasiirka arimaha gudaha ee dowlada Xasan Sheekh Abdisalaan Hadliye Cumar.

Ergaygii hore ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in Soomaaliya ay xusuusta niyadiisa ku jiri doonto,wuxuu sheegay in uu aad u faraxsan yahay horumarka ay Soomaaliya ka samaynaysoay Dimuqraadiyadasida uu sheegay.

Nicholas Kay ayaa waxaa badalaya Ergayga cusub Michael Keating, kaasi oo dhowaan loso magacaabay Soomaaliya.

Kay-2

Kay-2

Kay-3 Kay-4 kay-6 Kay-7 Ky-1

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran