Dagaalo Xoogan Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Buulo burde

Dagaal u dhaxeeya dagaalyahaanada Shabaab iyo Ciidamo ka tirsan kuwo amisom ayaa ka dhacay duleedka Degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan.

Sida lasoo sheegayo dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii Ciidanka amisom gaar ahaan kuwa Jabuuti ay weerar ku qaadeen deegaan galbeedka kaga toosan Buulo burde halkaas oo uu ka dhacay dagaal leysku fara saaray.

Dhinacyada dagaalka u dhaxeeya ayaa siyaabooyin kala duwan u kala sheegtay guulo, waxaana midba midka kale uu ku faanay in ay jiraan khasaare ay gaarsiiyeen dhinaca la dagaalamyey.

Gudoomiyaha Buulo burde Cabdicasiis Duurow ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkii ay la galeen Shabaab ay ku dileen laba ruux oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal halka midka kale uu ku sheegay inuu ahaa askari, dhankooda ayuu qirtay in uu jiro hal askari oo dagaalka ku geeriyooday.

Cabdicasiis duurow ayaa dhanka kale sheegay in ay gacanta ku hayaan deegaankii lagu dagaalamay, waxaana uu tilmaamay in ay kaga awood roonaadeen Shabaabkii halkaasi ku sugnaa.

Ma jiro war madax banaan oo xaqiijinaya cida gaartay libinta dagaalka ka dhacay duleedka Buula burde.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran