Dhegeyso Horjooge Yuusuf Cali Cagey Oo Ka Been Sheegaya Dhibaatada Iyo Amaan Darida Ay Ka Wadaan Marka

Horjooge Yuusuf Cali Cagey oo ka mid ah horjoogayaasha Maleeshiyada Dowlada Muqdisho ee ku sugan Marka oo wareysi siiyey warbaahinta Mooryaanta ku taageerta duulaanka Shabeelada hoose ayaa ka been sheegay xaalada dhabta ah ee ka jirta Marka iyo hareeraheeda.

Cagey ayaa sheegay in ay Marka amaan tahay oo wax dhibaata ah anaay ka jirin sida uu ku faanay hase ahaatee indhaha ka dabooshay dhibta ay Marka ku hayaan Mooryaanta uu ugu yimid iyo kuwo uu kusoo kordhiyey.

Wariyaha warbaahin Mooryaaneeda ayaa u laqimaya horjoogo Cadey in Maleeshiyada ay Magaalada ka saareen oo ay dhaqan celin u sameen doonaan, taas oo uu kaga jawaabay in waqti xadirkan Marka aanay joogin wax Maleeshiya ah sida uu isaga u yaqaano oo ay ku suganyihiin kaliya kumo Milateri oo isaga ka amar qaata.

Wariyaha Mooryaan Beeleeda oo in badan dhegihiisa ay ku dhibcaan maqalka rasaasta laga tuuro saraha dadka shacabka ay leeyihiin ee xooga lagu saaranyahay ayaan Cagey weydiin waxa ay yihiin Mooryaanta saaraan dhismayaashaasi oo ay ugu horeyso sarta Swiss.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE