Fariin Deg Deg Ah Oo Ku Socota Mudane Cabdullahi Buuni

Mudane Cabdullahi Buuni, Marna kama shaki qabo daacadnimadaada iyo tan asxaabta ay shaqada idinkala dhexeyso, waana sababta aan fariintan kuugu soo dirayo, waxaad mudan tahay ammaan iyo in laguu aqoonsado shakhsiga sanadka sii dhammaanaya ee 2015, laakiin eeda ugu culus ee aan kuu soo jeedinayo waa in ay kaa muuqato in adiga iyo jaalayaashada Sacuudiga aadan marna isweydiin su’aasha ah maxaan rabnaa, taas oo idinka ilaalin lahayd in aad meel cidla ah ku daashaan.

Waxay aniga ila tahay in aad dadaal badan bixineysaan, lacagana qarashgareyneysaan laakiin haddana waxna aysan ka soo naasa cadeyn, kana soo naasa cadaan doonin waayo waxaad weli ku mashquulsan tihiin in aad la ciyaartaan calaamadaha dhibaatada jirta, sida;dad qaxay,guryo la gubay, maamul shaqeyn la’ iyo gudoomiye la weeraray oo aadan u gudbin maxaa keenay dhibaatadaas iyo sidee lagu xalin karaa, isla markaan aadan heysan fikir talaabooyin la socdaan oo dhibaatadaas lagu xalin karo.

Ogow in gudoomiyaha ay ka ansaxeen shuruudaha Towbada!

Mudane Cabdullahi Buuni hadii aad ogtahay iyo hadii kaleba, ka hor inta aan la soo magacaabin ayaa gudoomiyaha degamada Marka Xasan Cumarey iyo koox ku xiran waxay ka tasaasuleen mabda’a in xoog leysaga caabiyo maleeshiya beeleedka dhibaatada ka wada gobolka Sh.Hoose iyo ragga geed-fadhiga u ah, laakiin taas bedelkeeda asiga iyo qoloda ku xiran lama imaan qorshe ay dan ugu jirto dadka Sh.Hoose oo ay ku hirgelinayaan fekerkaas cusub ee ay qaateen.

Intaas kuma ekaanine Gudoomiye Xasan Cumar wuxuu ballan ku qaaday in uusan dib dambe ugu laaban dambigaas uu ka towbadkeenay, si aan taas kuugu cadeeyana waxaan jeclaan lahaa inaan dhegta kuugu sheego sir yar oo ku saabsan sida uu jir ahaan iyo maskax ahaan noqday gudoomiye Xasan Cumar markii warbaahinta gobolka oo ay ugu horeyso shabakadda markacadey ay daabaceen sawirkiisa asigoo ku sugan deegaanka Buufow Bacaad maalintii lagu jebiyay mooriyaanta laakiin dib ayaan u dhiganayaa.

Gaalka dil, gartiisana sii

Anigoo aan wax rajo ah ka qabin in nabad wax looga keenaayo maleeshiyada dhibaatada ka wada gobolka iyo anigoo aan rajo ka qabin in gudoomiye Xasan Cumar uu go’aanka dadkiisa ku go’aayo, ayaa haddana hadii kooxda gudoomiye Xasan Cumar ay la imaan lahaayeen qorshe macquul ah waxaan ugu yaraan dhihi lahayn fursad ay ku soo quustaan hala siiyo laakiin nasiib daro wax qorshe ah ma wadan, waxayna taas keentay in gudoomiyaha uusan la kulmin waxgaradkii degmada markii uu gobolka tagay soo magacaabistiisii kadib waayo asiga iyo kooxdiisa waxay hubeen in aysan wadan wax ay waxgaradka bulshadooda la hortagi karaan.

Waxaa dhacday in qolada dhibaatada ka wada Gobolka ay iyagana dhinacooda si buuxda uga warqabeen in gudoomiye Xasan Cumar iyo inta yar ee taladiisa saameyn ku leh aysan wadan wax qorshe ah oo iyaga u cuntismaaya, uuna yahay shakhsi kaligiis socda oo aan taageero ka heysan dadkiisa, sidaas darteed waxay isku qanciyeen in uusan wax faa’ido ah u lahayn.

Waana halka aan ka leeyahay Gaalka dil gartiisana sii, kooxda dhibaatada ka wada gobolka gar ayay u leeyihiin in ay u arkaan Xasan Cumar nin aan qiimo lahayn waayo qolo ayuu dagaal kala dhexeeyaa, hadii ay la heshiinayana waa in heshiiska ka yimaadaa wakiilo taageero ka heysta qolada uu dagaalka kala dhexeeyo, hadii dagaal tahayna horaba dagaal ayay u ogaayeen, marka wax micno ah uma soo kordhineyso in gudoomiye Xasan Cumar uu ku sugnaado aagaga ay ka taliyaan ee Marka.

Sidaas ayey ku weerareen gudoomiye Xasan Cumar, waana isla sababtaas midda uu taageero uga heli waayey dadkii uu madaxda u ahaa waayo waxa uu marti u noqday mooryaan uu dagaal ka dhexeeyo isagoo og, wuxuuna inkiray isla markaana ku jees jeesay talooyinkii ay dadkiisa u soo jeediyeen ee ahayd in wadada uu ku socdo uusan ku gaareyn raaliahaanshaha mooriyaanta, ayna tahay in uu dhegeysto talada shacabka uu matalo.

Laba qaawan isma qaado
Sidaan kor ku soo xusay gudoomiye Xasan Cumar iyo kooxda ku xiran ma wadan wax qorshe ah oo ay dan ugu jirto shacabka uu matalo, waana tan keentay in taagerada dadkooda ay ku lumiyaan,isla markaana aysan taagero uga helin qolyaha dhibaatada ka wada gobolka, laakiin dhinaca kale adiga oo ah mudane Buuni iyo Jaaliyadda Sacuudiga waxaad gadaal kaga biirteen jahwareerka ay ku jiraan kooxda gudoomiye Xasan Cumar idinkoo isu arka in aad dadkiina xal u wadaan.

Inaadan horay isu weydiin su’aasha ah maxaad rabtaan oo keeni lahayd in aad jeexdaan wado cad oo cidii aad taageereysaana ay tahay in ay idinku raacdo, cidii aad ku kala tegeysaana aad hordhigeysaan si ay xujo berito idinku noqoto ayaa waxay keentey in caadifad idin hogaamiso, taageero indha la’aan ahna taageertaan shakhsi ama koox yar oo fashilmay, sababta uu ku fashilmayna aysan ahayn in shakhsi ahaan loo neceb yahay, ee ay tahay in uusan wadan wax qorshe ah oo ay dan ugu jirto shacabka Sh.Hoose.

Inaadan markiii hore isweydiin su’aasha ah maxaan rabnaa waxay keentay in gudoomiye Xasan Cumar iyo kooxdiisa ay idinku indha-sarcaadiyaan dhibaatada jirta sida guryo la gubay, haween la kufsaday, horumar la’aan ka jirta deegaanadeena iyagoo aan soo bandhigin wax xal ah oo aan ka ahayn mooriyaan laysku dhiibo kadibana aad  ciil ka qaadaan weerarka gudoomiyaha loogu geystay degamada Marka, maalin walbana aad la soo shir tagtaan: maxaa gudoomiyaha loo difaaci waayay.

Maxaa xal ah?

Mudane Cabdillahi Buuni, dhinaca aan anaga taagersanahay waa kuwo qalbigooda ku xiran yahay No 50, taagero indha la’aana ma taageernee, waxaan aminsanahay in nabadda iyo dagaalbana wax lagu taageero ay hayaan-walow aan nahay bani’aadam khaldami kara-  idinkana hormuud ayaad ka ahaydeen garabkaas, taariikhda ayaa idin xusi doonta, laakiin sidaas ay tahay waxaan soo dhaweyneynaa wixii feker kale wata balse shardiga ku xiran uu yahay in aysan noqon sida waxa aan ilaa hadda ka aragno gudoomiye Xasan Cumar iyo kooxada yar ee saameynta ku leh.

Waxa uu xalka ku jiraa in reer Sacuudi Carabiya inta ay fariistaan ay is weydiiyaan maxaa xal u ah bulshadeenna,kadibna ay qortaan qorshe cad oo ay hordhigaan cidda ay taageerayaan, taageeradoodana ay ku xirnaataa in ay la amminaan qorshahaas, laakiin jeeg-lacageed cad(banaan) oo cid walba inta ay doonto ku qoran karto aysan u saxiixin.

Waxaan idinkula talinayaa in aadan meel cidla ah ku daalin, gudoomiye Xasan Cumar iyo kooxdiisa fashilka dhex maquuraneysana aadan waqtiga isaga lumin waayo ma heystaan haba yaraatee wax lagu taageero, hadii ay hayaana ha u soo bandhigeen dadkooda.

Mudane Buuni, talada waxay ku jirtaa in aad iska ilowdaan in aad isku mashquulisaan warbaahinta ayaa wax diidan iyo shakhsi ayaa wax diidan, ee aad u aragtaan in cidda wax diidan ay tahay cidda aan heysan wax lagu taageero.

Waad ku mahadsan tihiin dadaalkiina.

Ciise Maxamuud

jbiimaal@gmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE