Jaaliyadda Beesha Biimaal Ee Sacuudiga Oo Jawaab Ka Bixisay Qoraal Lagu Daabacay Shabakadda Markacadey

Tix raac qoral ku soo baxay shabakada MARKCADEY.COM taariikhdu markay ahayd 30-12-2015.

Qoraalka oo ku fadhiyey qiimo weyn , kuna saleysnaa tusaalooyin fara badan oo mar walba loo baahan yahay, ayaa waxaan dooneynaa inaan ka bixinno caddeyn meesha ka maqan, oo aan dooneyno inaan woda gaarsiinno intii uu saameeyey qoraalkaasi ay la socdaan , arrimaha soo socdo.

Caddeyn:-
1 – Qoraallada iyo oraahyada ka soo yeero yeero qurba joogga oo had iyo jeer loo nisbeeyo , amase lagu soo hal qabsado, maqaamyo amase jago beesha dhaxdeeda, inaysan ahayn kuwa ah xaqiiqo amase kuwa ay beeshu isku raacday.

2 – Jaaliyadda beesha ee Saudi Arabiya, waa jaaliyad ku caan baxday inay hormuud ka tahay halgenka beesha, iyo diidmada dulmiga lagu haayo beesha meel kastoo ay dalka ka deggan tahay.

3- Jaaliyadda Saudi Arabiya , waxay si buuxda kaga soo horjeedeen, oo haddana kaga soo horjeedaan qof kasta oo hormuud ka ah, amase garab siiya kuwa dulmiga ku haayo beesha, mana laga yaabo inay si caadifadeysan u taageeraan kuwa beesha ka tirsan isla markaana gacan saar la leh kuwa dhul boobka ku joogo deegaannada Beesha.

4-qoraal amase oraah kasta ee aan ka soo bixin, guddiga sare ee beesha oo uu hormuud ka yahay: guddoomiyaaha beesha Xaaji Cumar Maxamed Cali” Cumar Moordi” uusan ahayn mid matila jaaliyadda Saudi Arabiya guud ahaan, hase yeeshee ay tahay mid u gaar ah inta amase qofka ay kasoo yeertey oraahdaasi.

5- Halganka saldhiggiisu yahay No. 50, ayaa ah midka jaaliyadda ku xirantahay, waxii intaasi ka baxsan waa mid ku saleysan shakhsiyaad, mana aha mid jaaliyadda ay masuul ka tahay magac kastaa ee loo sheegtaa.

Oogu dambeentii, waxaan halkaani ka caddeyneynaa in maamulka guud ee jaaliyadda oo uu hormuud ka yahay Duq Cumar, aysan marna taageereynin, wax allaale waxii aan ku saleysneyn danta guud ee beesha iyo halgankeeda, ayaga oo rumeysan mabda’a ah:Reer jannaad waa jid galeen, reer jaxiimow iska joog.

Nin aan kuu fureynin yuusan kuu rarin, waxaa intaa raaca, inta aan arkaayo qabrigii walaaleyga , qalbigeyga mayuu u qaboobi karaa kii diley.

Waxaan kusoo koobeynaa qoraalkaani:Jaaliyadda marna ma taageerin dulmi wodayaasha iyo daba dhilifkooda, haba noqdaan kuwa beesha ka tirsane, mana dhicidoonto, waxii intaa dhaafsanna waxay ka mid yihiin kuwa lunsan, oo aan jidkii jaaliyadda garab marey.

Si buuxda oo aan laablaabasho leheen jaaliyadda waxay taageersantahay wax allaale waxii beesha u dan ah, mar walbo , dagaal iyo nabadna waa kuwa xaq lagu raadiyo diyaar ayayna jaaliyadda u tahay mar walbo.

Waxii ay beeshu gudaha diiddana , jaaliyadda Saudi Aarabiya waa ay diiddey.

Maamulka sare ee jaaliyadda Saudi Arabiya.
Afka Duqa beesha Xaaji Cumar Maxamed

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE