Kooxda Daacish Oo Weerar Ku Qaadaya Diyaarada Uu La Socday Ra’isal wasaaraha Ciraaq

Kooxda Mintidiinta ah ee Daacish ayaa weerar k uqaaday Diyaarad uu la socday Ra’isal wasaaraha dowlada Ciraaq Xaydar Al-abadi oo booqasho ku gaaray Magaalada Ramadi.

Tv-ga Al-jaziira ayaa baahiyey war sheegaya in kooxda ay rasaasta xoogan ay ku fureen diyaarad uu saarnaa Xeydar Al abadi, waxaana ay ku sugnaayeen Mintidiinta meel duleedka ka xigta Ramadi.

Diyaarad nooca Helikopter ah ayaa Ra’isal wasaaraha uu ku gaaray magaalada istaraatiijiga ah ee Ramadi halkaas oo maalmo ka hor xoog ay kula wareegeen Ciidamada dowlada Ciraaq, waxaana uu booqday dhamaan xarumaha laga saaray daacish.

Mr Abadi oo warbaahinta kula hadlay Ramadi ayaa soo dhaweeyey qabashada Magaalada waxaa uu ku hanjabay in uu socon doono dagaalka kooxda looga saarayo guud ahaan dalka Ciraaq.

Maalmo ka hor magaalada Ramadi waxa ka dhacay dagaal xoogan oo ay ka qeyb qaateen diyaarado dagaal, waxaana Ciidamada Milateriga ee dowlada Ciraaq ay ku geeleysteen in ay dib u qabsadaan dhul badan oo magaaladaas laga xumakayey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran