Muuqaalka Maanta Abwaan Maxamed Xuseen Awliyo “Addis Iyo Ethopia Ka Hara Aaya Xumadooda”

Farshaxamiiste Amin Camir ayaa soo bandhigay Muuqaal oo ka muuqdo Abwaan Maxamed Xuseen Awliyo ka gab-yaya dhalo saaran miis gaaban, kaas oo ay horfadhiyaan seddax qof oo laba ka mid ah ay wada haaystaan bistoolado kuwaas oo rasaas la dhacaya dhalada uu ka muuqdo Abwaanka.

Laba bistooladaha sita mid ka mid ah waa Gabre, dhabarkooda waxa suran boor uu ku qoranyahay “War waxaan yaa naga aamusiya waa gantaal Af-kiisa looma adkeysan karo, war isoo qabta ninkan sirteeni ayuu faafinayaa”.

Abwaan Maxamed Xuseen Awliyo ayaa gabayga uu tirinayo erayada ku jira waxa ka mid ah “Addis iyo Itoobiya ka hara aaya xumadooda, aalada iyo hubka ay bixinayaan arax jab weeyaane”.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran