Saraakiisha Ciidamada Deegaanka Maxay Ka Yiraahdeen Been abuurka Horjooge Cagey “Marka anagaa U Dhalanay,Maamulkeeda iyo Howsheedna Anagaa Nala Weydiihaa”

Taliyaha Ciidamada deegaanka aaga Shalambood Col.Bashiir lugey ayaa ka hadlay been abuurka horjooge Cagey oo uu ku been sheegay in waxMaleeshiya ah aan magaalada Marka joogin.

Col.Bashiir ayaa Cagey ku eedeeyey in markii hore uu kusoo galay in uu dhex dhexaadin u yahay Mooryaanta iyo dadka deegaanka oo ku dagaalamay Marka, hase hada lasoo baxay wajiyo iyo ajandayaal looga soo dhiibay Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Marka ay nabad ka jirin, waxa nabada u diidayna ay yihiin kuwa ka hoos shaqeeya Cagey oo dowlada Xasan Sheekh ay mushaharka ku siiso dhibaateynta Shacabka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE