XAALADA QABOOBAHA EE MINNEAPOLIS, MN IYO QURBOJOOGTOO U BUUXSANTAY 25 SANO (DAAWO SAWIRADA)

Magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota, waa magaalada ay Soomaalidu ku badan tahay, isla markaana sida aad uga muuqato. Qaar ka mida Soomaalidu, waxay soo degeen magaaladaan 24 sano ka hor – madaama hada laga joogo waqtigii uu bilowday dagaalkii sokeeye ee xamar ka bilowday December 28, 1990gii.

Magaaladaan oo ka duwan magaalooyinka ay Soomaalidu ku badan tahay – ha ahaato Waqooyiga America ama Yurub marka laga reebo magaalooyinka ku yaala dalalka loo yaqaab Iskandanavianka sida: Denmark, Holand iyo Sweden.

Waxaase cajiib ah in dadka ka yimaada wadamaadaas ay ahaayeen dadkii ugu horeeye ee soo degay gobolka Minnesota mudo hada laga joogo in ka badan 150 sano. Dadyowga uga badan waxay ka yimaadeen dalalka Denmark iyo Sweden. Waxaa sidoo kale degan dad ka soo jeeda Irland iyo Germany.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la yaableh in dadyowga gobolkaan loogu yimaaday ay la yaaban yihiin sababta keentay in ay soo degaan gobolkaan oo aad ugu duwan wadankii ay ka yimaadeen, ee Soomaaliya, oo ah meel ay cimiladeedu kulushahay, farqi wayna u dhexeeyo.

Dadka Soomaalida qaar ayaa magaaladaan ay u buuxsantay 24 sano, qaar 23 sano, qaar 22 sano, qaar 21 sano, qaar 20 sano, qaar 19 sano iyo aniga oo ay ii buuxsantay 18 sano madaama aan ka soo guuray Virginia State. Waxaa weli jira in dadka cusub ay yimaadaan, adigana AQRISTOW, hadii ALLAH, kuu garto aad maalin maalmaha ka mida aad timaadid.

Marka, bal daawo sawiradaan ku lifaaqan qoraalka – waana DOWNTWONKA magaalada Minneaplis, ee gobolka MN, halkaan oo laga yaabo in qof kuu degan yahay ama aad ka taqaano qof aad deris wadaki ku ahaydeen.

 

image(1) image(2) image(3) image(4) image(5) image(6) image(7) image

Waxaa idiin soo direy: Mohamed Barre ‘Junalya’, oo qoraa madaxbanaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis – Junalay99@aol.com

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran