Alshabaab Oo Ka Digay In Laga Qeyb galo Munaasabadaha Sanada Cusub

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Fu’aad Shongole) oo ka mid ah saraakiisha Al-shabaab ayaa ka digay in loo dabaal dego soo dhaweynta Sanada cusub ee 2016-ka (Ciida kirismiska).

Sheekh Fu’aad ayaa uga digay Muslimiinta in ay ka qeyb galaan ciidaha lagu qabanyo dalka ee loogu dabaal degayo sanada cusub iyo ciidaha kirismiska.

Waxa uu sheegay in sharciga islaamka uu kasoo horjeedo in la qabto ciidaha gaalada iyo kuwo lagu raali gelinayo dadka aan muslimka aheyn.

Hadalka Sheekh Fu’aad ayaa imaanaya iyadoo Magaalada Muqdiso ay ka socoto qaban qaabo ku aadan in la qabto munaasabad loogu dabaal degayo sanada cusub oo caawa bilaaban doona.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran