Baarlamaanka Jubbaland Oo Markii Seddaxaad U Codeeyey In Waqti Dheeri Ah Loo Siiyo Axmed Madoobe…

Kulan Baarlamaanka Maamulka Jubbalnad ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo ayaa waqtiga ugu kordhiyey Madaxweyne Axmed Madoobe xilliga uu soo magacaabayo Wasiirada Maamulka.

Madaxweynaha Jubbalanda ayaa dhawaan codsi u gudbiyey gudoonka Baarlamaanka kaas oo uu ku dalbanayey in waqti dheeri ah loo siiyo magacaabidda wasiirada uu maamulkaas yeelanyo.

Xildhibaanada Jubbaland ay cod aqlabiyada leh ku ansixiyey codsiga Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay siiyeen mudo gaareysa seddax bilod (90) casho.

Axmed Madoobe ayaa codsigiisa ku sababeeyey in weli uu ku mashquulsan yahay dib u heshiisiin iyo la tashiyo uu la sameenayo waxgaradka Jubbooyinka iyo Gedo.

Dhawaanahan ayaa la hadal haayey in Magaalada Kismaayo lagu qaban doono shir dib u heshiisiin oo ay horbodayaan beelaha Sade oo sanadihii ugu dambeeyey kasoo horjeeday Maamulka Jubbaland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan ayaa warbaahinta u sheegay in dhamaan baarlamaanka ay codka siiyeen Madaxweynha in mudo seddax bilood ka dib uu soo dhiso Wasiirada.

Waa markii seddaxaad oo Baarlamaanka jubbaland uu kordhiyo waqtiga lagu soo magacaabayo Wasiirada Maamulkaas uu yeelano.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran