Dhegeyso Janaraal Cabdulaahi Waafow “Beesha Direed Ma’aha Juffo Cunjuq ah Oo La Liidi Karo, Waa Inaan Helnaa Xuquuqda Aan ku Laheyn Koonfur galbeed”

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur galbeed ayaa war cad kasoo saaray Baarlamaanka dhawaan lagu doortay Magaalada Baydhaba.

Janaraal Cabdulaahi Cali Axmed (Waafow) ayaa ugu horeyn sheegay inay ka xunyihiin saamiga Beel-weynta Direed ay ka heleen tirada xildhibaanada,waxaana si cara leh uu u ugu dhawaaqay in Beesha aysan ku qanceyn waxa meeshaas laga keenay, isagaoo arintaas ku eedeyey Odayaasha ismagacaabay ee Muqdisho.

Waafow ayaa si kulul u weerary Odayaasha iyo Madaxweynha Koonfur galbeed, wuxuu ku cel celiyey in beesha aanay u qalmin 13, xildhibaan in laga siiyo 149 Xildhbaan.

“Beesha Direed ma ahan beel cunjuq ah oo cad balaq loo tuurayo wey ka weyntahay meesha la dhigay, dhaliishaas waxa iska leh Odayaasha, mana la aqbali karo Maamulkii lagu waayey wiilal badan in uu ku tunto xaqa Beesha Direed” ayuu yiri Waafow.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay arimaha Garoonka Lambar 50 oo dhawaan ay xireen xulafada Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana xiritaanka Garoonka uu ku tilmaamay mid ay ka dambeyso arimo siyaasadeed oo la diidan yahay in Beesha degta Shabeelada hoose ay dhaqaale yeelato.

Wareysiga Cabdulaahi Waafow oo dhinacyo badan taabanaya halkan hoose ka dhegeyso.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran