Dhegeyso Xuseen Qardhaas “Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Xamar Ayaan U Haaysanaa In Aan Weyno Saamigii Aan Ku Laheyn Gobolka Bakool”

Xuseen Cabdulaahi Qardhaas oo ka mid ah Waxgaradka Beessh Biimaal islamarkaana kasoo jeeda Deegaanada Bakool ayaa ka hadlay xildhibaanada dhawaan lagu dhaaariyey Baydhaba.

Xuseen Qardhaas ayaa sheegay in ay ku xun yihiin tirada laga helay Baarlamaanka weliba eedeynta arintaas ay usoo jeedinayaan Siyaasiyiin iyo Odayaal ku sheega Xamar fadhiya.

Waxa uu sheegay in siyaasiyiinta iyo Odayaasha Muqdisho ay ku fakareen in ay kala dilaan ama ay kala geeyaan cududa mideysan ee Beesha taas oo halgan ugu jirta sidii ay usoo ceshan laheyd dhul badan oo xoog looga haaysto, waxaana uu sheegay in marnaba aanu u istaagi doonin halganka daneystayaal ummadda kala didinaya.

Qardhaas ayaa ku nuux nuuxsaday in saamigii beesha ee ay ku laheyd Bakool aan lasoo dhicin uu u arkayo daciifnimo iyo xil gudasha la’aan ay ku sifoobeen ismagacaabayaasha Xamar.

Dhanka kale, waxa uu hambalyeeyey hadal subaxnimadii saake soo baxay kaas oo warbaahinta uu siiyey Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur galbeed Cabdulaahi Waafow.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE