Ra’isal Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Oo Baydhaba Kula Kulmay Madaxweynha Maamulka Koonfur galbeed

Ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo shalay gaaray magaalada Baydhaba ayaa halkaas kulamo kula leh siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda Koonfur galbeed.

Dr Cabdiweli ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan kaa oo qaatay saacadooyin badan, kulanka labada mas’uul ayaan la ogeyn waxa ay ka wada hadleen oo ay mumiimada saareen.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur galbeed Xasan Cabdi Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta ay ka wada hadleen arimo badan, waxaana uu sheegay ay isla afgarteen dhamaan qodobadii ay isku soo hadal qaadeen.

Ra’iisul wasaarahihii hore e Soomaaliya oo wali ku sugan Baydhabo ayaa kulamo gooni gooni ah la leh qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa tabashooyin ka beelaha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE