Siminaarada Hanuuninta Ah Ee Hay’adda Tubta Qaloocan Oo Ku Sii Socda Tuulada Barwaaqo-weyn Iyo Jawaabtii Hogaamiye BAABA & Madiino Baarqab

siminaarada hay’adda Tubta Qaloocan wax badan ayaa leygu soo celceliyay inaan ka qeybqaato, seddex sano ayaan hadda marayaa inta leygu baaqayo,asxaab horay u qaadatayna aad ayay iigu ammaaneen, sidaas darteed aniga iyo dadkeyga Tuulada Barwaaqo weyn waa ka soo tashaneynaa in aan qaadaneyno siminaaradaas, waana idinku soo warcelin doonaa inshaa allah”.Sidaas waxaa yiri hogaamiye Baaba

 

Salaan iyo is marxabbeyn kadib, waxaa martida ku soo dhaweeyay tuulada hogaamiye BAABA, isagoona u sheegay in ay ku soo dhawaadaan tuulada ayna diyaar u yihiin in ay ka dhegeystaan danta ay ugu soo safreen tuulada Barwaaqo weyn.

Xasan Beerlaawe oo madax u ahaa martida ayaa hadalkii qaatay, wuxuuna sheegay in ay ka socdaan Hay’ad lagu magacaabo Tubta Qaloocan oo ka dhisan degmada Cadeed, ayna u yimaadeen tuulada Barwaaqo weyn in ay siminaaro wacyi gelin ah siiyaan hogaamiyaasha tuulada, kuwaas oo ku saabsan wada-noolaanshaha iyo is-dhaxgalka qabiilada Soomaliyeed ee kala dabeecadda ah, kuna kala gedisan deegaanada ay ka soo kala jeedaan haddana hal deegaan ku wada dhaqan, si fiican isaga ilaaliya hee aniga ma dhihin kala dhaqan gedisan ee waxaan iri kala dabci gedisan, ayuu hadlkiisa ku adkeeyay.

Waxaa mar labaad hadalkii qaatay Hogaamiye Baaba oo ku dheeraaday in uu ka hadlo qaabka maamul ee tuulada Barwaaqo weyn iyo in aysan tuulada lahayn hogaamiyaal la mid ah kuwa lagu yaqaano tuulooyinka iyo degmooyinka kale, dhammaan dadka tuuladana ay yihiin hogaamiyaasha tuulada, go’aanadana ay si wada jir ah u qaataan, sidaas darteed aysan jirin cid gooni ah oo ay siminaaro wacyigelin u siiyaan.

Hogaamiye Baaba ayaa sheegay in Sheekh Nuur, Faadumo Kashiito iyo Nuurto Baarqab oo dhinacyadiisa fadhiya ay dhammaantood iyo inta kale ee tuulada degan ay ka qeybqaataan hogaaminta tuulada, ayna si joogta ah dadka tuulada iyaga dhexdooda isu wacyi geliyaan nabad iyo colaadba.

Xasan Beerlaawe oo codkiisa xabeebta ka bi’naya, hadalkiisana ay ka muuqato khusuuc iyo qadirin ayaa ku yiri hogaamiye BAABA : hogaamiye aniga waxaan aminsanahay in colaada dadka tuuladan asalka u deganaa iyo dadka kale ee dhawaan idinla soo degay in ay dabadheeraatay, muddo badana aad qori sidaan, waxaana u aragnaa in dagaalkan uu salka ku haayo is afgaranwaa ka dhashay kala dabci gedisnaan iyo madmadow labada beel soo kala dhex galay, sida uu horay warbaahinta uga sheegay Axmed Abkow,in Axmed Abkow sidaas wax u fahmana ay timid kadib markii uu qaatay siminaaradeena.

Haddaba,anagoo ka duuleyna saameynta wanaagsan ee siminaaradeena ay ku yeesheen Muudey Booda Boode, Axmed Abkow iyo Cabdi Baadil oo dhammaan u nasab sheegta tuuladan waxaan is tusnay in ay arin muhiim ah tahay in siminarada ay soo gaaraan adiga oo hogaamiye Baaba ah iyo xertaada ku sugan tuulada Barwaaqo weyn, si xal waara looga gaaro dagaaladan soo noq noqday.

Madiina Baarqab oo is heyn wayday ayaa la soo booday: Baaba aniga i sii fursad aan ugu jawaabo ninkan Beerlaawe ah, laakiin Baabe ayaa yiri: sug Gebertey hadalkiisa ha dhameystee. Dadkii meesha fadhiyay ayaa dhammaan ku wada dhawaaqay: Baaba hadalka sii Madiino Barwaaqo..Baaba Madiino fasax..

Beerlaawe iyo Asxaabtiisa waxaan marka hore idin weydiiyay: meeqa maalmood ayuu soconaa siminaarkiina? sidaas waxaa hadalkeeda ku bilowday Madiino Baarqab.

Beerlaawe ayaa ku jawaabay:siminaaradeena waa joogto laakiin wajigan hadda waxaan u baahanahay seddex maalmood: maalin waxaa lagu baranayaa farqiga u dhexeeya dabeecaha dadka gobolada fog fog ee kheeraadka dabiiciga ah ku yar yihiin iyo kuwa gobolada barwaaqada ah iyo doorka ay ku leeyihiin colaadaha. Maalinta labaad oo dhan waxaa lagu baranaya waxa lagu magacaabo Baraagaha, sida ay ku yimaadeen iyo isticmaalkooda iyo xiriirka ka dhexeeya Baraagaha iyo Biyaha wabiyada oo daka laga gado..Maalinta seddexaadna waxaa lagu baranaya laba qodob oo ku saabsan waxa afka qalaad lagu yiraahdo FGM  iyo Secularism, waayo labadaas qodob hadaan ka tagno mashruuc dambe nalama siinaayo.

Madiino Baarqab ayaa ku jawaabtay: waan ka xunahay anaga jadwalkeena waa buuxaa ,todoba maalmood waqtiga aan firaaqada leenahay siminaaro ayaan qabanaa, maalinta Sabtida waxaan qaadanaa siminaar ku saabsan sidii aan wadaniyada iyo difaaca dalkeena uga baran lahayn awoowayaasheenii la dagaalamay gumeysiga Taliyaaniga, waxaana bixiya Shuukh Nuur oo ku taqasusay taariikhdaas, maalinta Axaddana waa siminaar u gaar ah Haweenka oo ay bixiso Korneel Faadumo Kashiito oo aan ku barano sida jir ahaan iyo maskax ahaan aan ugu diyaar garoobi lahayn sidii aan isaga difaaci lahayn tacadiyada mooriyaanta.

Maalinta isniinta ahna waxaan qaadanaa cashar wacyigelin ah oo aan aniga bixiyo, kaas oo cinwaankiisa yahay: fikirka Walaangooy aa noo imaaneyso iyo saameynta xun ee uu ku leeyahay bulshadeena.Maalmaha soo harayna waxaa casharada bixiya Ambassador Maadey oo isna ka hadla mowduucyo aan u aragno in ay helis ku yihiin horumarka bulshadeena oo ay ka mid yihiin halista qarsoon ee ay bulshadeena ku hayaan hay’adaha ay ka mid tahay Tubta Qaloocan iyo fikradaha qaldan ee ay aminsan yihiin dadka tuulada oo kala ah: Benito Mussolini ayaa ka dardaarmay in waxbarashada nalaga horistaago, intii laba lugood leh Dooraba Allaha ka dhigee anaga ayay cadow nagu yihiin iyo Ganacsiga xilligii taliyaaniaga ayaa afar far awoowayaasheena ka akhristeen.

Xasan Beerlaawe oo maskaxdiisa ka weynaatay in uu fahmo mowduucyada ay ka hadleyso Madiino Baarqab ayaa weydiiyay: Adeer maxay yihiin mowduucyadaas, waaba kuwo iga yaabiyay, gaar ahaan Walaangoy ayaa noo imaaneysa iyo wixii laba lugood leh dooraba Allaha ka dhigee anagay cadow nagu yihiin?

Madiino Baarqab: Adeer adiga waxaad nala soo doonatay mowduucyo been abuur ah oo feker NGO ku saleysan, lacago yar oo dollar ahna looga soo qaatay hay’ado ajnabi, ujeedada ka dambeysana ay tahay in bulshadan lagu marin habaabiyo, cadowgoodana lagu hoos geeyo, anagana waxaan qabanaa siminaaro dhab ahaan ujeedada kadambeysa ay tahay in lagu xaliyo dhibaatooyinka la degay bulshada barwaaqo weyn, kuwaas oo ay ku adag tahay in ay fahmaan dadka meelaha fog fog ka yimid, sidaada oo kale.

Hogaamiye Baaba oo intii hore aamusnaa ayaa yiri isagoo la hadlaya Xasan Beerlaawe iyo asxaabtiisa:Baaba, Madiino Baarqab waa mahadsan tahay, hadalkiina waa ku dheeraatay laakiin siminaarada hay’adda Tubta Qaloocan wax badan ayaa leygu soo celceliyay inaan ka qeybqaato, seddex sano ayaan hadda marayaa inta leygu baaqayo,asxaab horay u qaadatayna aad ayay iigu ammaaneen, sidaas darteed aniga iyo dadkeyga Tuulada Barwaaqo weyn waa ka soo tashaneynaa in aan qaadaneyno siminaaradaas, waana idinku soo warcelin doonaa inshaa allah.

Ciise Maxamuud

jbiimaal@gmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran