Daawo Video: Garyaqaan Maxamed Geytanow “Xasan Sheekh Wuxuu Jeclaan Lahaa In Biimaal Looga Adkaado Dagaalada Dhulkiisa Uu Kaga Difaacanaayo Mooryaanta”

Garyaqaan Maxamed Abuukar Geytano oo ka tirsan Aqoonyahanada beesha Biimaal ahna Afhayeenka dadweynaha Sh.hoose ee America ayaa warbaahinta siiyey wareysi qiimo badan oo ka hadlaayo xaaladda gobolka sh.hoose oo ay ka jiraan dagaallo mar qaboobaayo marna holcaayo.

Wuxuu sheegay garyaqaanka in madaxweyne Xasan Sheekh uu hiilo la garab taagan yahay kooxaha dulmiga ka wado dhulka beesha Biimaal ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Garyaqaan Geytaanow ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu mar walbo ku haminaayo isla markaasina uu sugooyo in beesha Biimaal looga adkaado dagaalada iyo halganka ay ku difaacaneyso dhulkeeda.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE