Ibraahin Cabdulaahi Cadow Oo Raja La’aan Ku Riday Qaar Ka Mid Ah Shacabka Beesha Biimaal iyo Wajiyo Hor Leh Oo Ku Doonayo In Uu Kus…..

Ibraahim Cabdulaahi Cadow oo dhawaan la sheeciyey in loo doortay Suldaanka Beesha Biimaal ayaa magacaabistiisii laga muujiyey raja la’aan ka dib markii laga waayey in uu hanto xilka loo magacaabay islamarkaana uu la yimaado ficil uu ku muujinayo kasoo dhalaalidda shaqada looga fadhiyey.

Sida ay wada xusuustaan bulshada Gobolka ku sugan Caleema saarkii ka dhacay Degmada Nambar 50, ka dib Ibraahim ayaa xilli habeen ah si dhuumaaleysi ah kaga baxay Degmada lagu caleema saaraya waxaana uu ka dhuuntay dhammaan bulshadii soo dooratay.

Waxgarad iyo Odayaal u heellanaa in ay helaan Suldaan beesha ay isku raacsantahay ayaa dadaalkoodii waxaa wax kama jiraan kasoo qaaday CADOW oo maalintii la caleema saaray ay ugu wardambeysay aragti iyo maqal intaba, suldaannimadana u qaatay in qurbaha laga doonayey.

Sida hada la sheegay Ibraahim Cabdulaahi Cadow ayaa ku sugan Magaalada Hargeysa waana safarkii ugu horeeyey oo uu kusoo caga dhigto dhul Soomaali ah tan iyo markii xilkaas culus uu la dhuuntay.

Waxgaradka ayaa sheegay inkasto dhaqaalaha Shirarkaas ku baxay uu isaga dhiibtay oo uu ugu talagalay in jagada uu ku helo hadana waxa ay sheegeen in weli ay ka oomanyihiin waxqabadka jagada dhaqan ee ay u saariyeen.

Dad si dhow u yaqaana dhaqanka Suldaanka dhuumaaleysiga ku baxay ayaa markii la hadal haayey magacaabistiisa sheegay in aan la arki doonin meel uu ku baxsado iyo meel uu geeyo jagada Suldaannimo ee lasheegayo in isaga loo dhiibi doono.

Waxay tusaalooyin usoo qaadan jireen markii uu ahaa Madaxweynaha Maamulkii uu curyaamiyey ee UDUBLAND oo ilaa hada aan la ogeyn meel uu ku dhaafay ama maamulkaas uu ku dambeeyey.

Dhanka kale Hargeysa ayaa la sheegay in uu ka abaabulayo shirar ka dhaca Nambar 50 oo looga soo horjeedo Maamulka Koonfur galbeed maadaama isaga wax tala ah aan laga weydiin xubnaha Biimaal uu ku leeyahay Maamulkaas.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE