Sawirka Aamusan: Waxay Arintan Ka Dhacday Dhulka Uu Maamulka K/Galbeed Ka Arimiyo

Goobta waa magaalada Baydhabo, waxaa la tababarayaa ciidamo dumar ah, waxaa tababarka siinayo ciidamo Itoobiyaan ah oo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta AMISOM.

Waxaa idiin muuqanayo waa dumar Soomaaliyeed oo qaadanayo jimicsi (Push Up), waxay u egtahay in dumarkan la tababarayo ay duruuf nololeed ku qasbeyso askarnimada ay qoranayaan.

Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan iyo Howlwadeenadiisa maxay ka ogyihiin arintaan?

Intii akhrisatay Dastuurka maamulka K/Galbeed, ma jiraa qodob qeexayo shakhsiyadda qofka ciidannimo qoranaayo?

EthioBaydhaba

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran