Faallo: Maxaa Natiijo Ah Oo Laga Filan Karaa Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Ee Muqdishu Ka Furmay?

Waxaa maanta si horudhac ah magaalada Muqdisho uga bilowday shir waayahan dambe loogu magac daraayey “Madasha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya”. Waxaa diyaar garow loogu jiraa in heshiis cad laga gaaro arimo madmadow ku jiro ka hor 28-ka bishan oo la qaban doono Kulan lagu go’aaminayo Nooca Doorasho ee Somalia ka qabsoomi doonto sanadkan.

Qodobadii La Isku Mari Waayey Shirkii Kismayo
Labo qodob ayey ku soo aruurtay mushkilada la xiriirto Nooca Doorasho ee Soomaaliya ka dhaceyso, labadan qodob waa sida hoose ku xusan:
1- In Doorashada Lagu Saleeyo Heer Degmo iyadoo la raacaayo kaliya degmooyinkii maamulkii Maxamed Siyaad Barre ka sameeyey dalka. Qodobkan waxaa taageersan Puntland iyo Jubbaland maadaama maamulkii Kacaanka uu degmooyin badan iyo gobollo u magacaabay beesha ay ka dhasheen.
2- In Doorashada lagu saleeyo nidaamka beelaha ee 4.5 oo muddo ka badan 10 sano lagu soo shaqeynaayey. Qodobkan waxaa taageersan oo doonayo Galmudug iyo K/Galbeed balse waxaa gadaal ka taagan labada maamul goboleed madaxweynaha dowladda Federalka Xasan Sheekh oo ka cabsi qabo in kursiga madaxweynaha Somalia ka baxo gacanta beesha uu ka dhashay.

Kadib markii labada koox ay isu tanaasuli waayeen ayaa lagu soo kala dareeray shirkii Kismaayo.

Khilaafka Labada Koox Oo Qaab Kale Ah

Markaad si hoose u fiiriso, khilaafka wuxuu u dhexeeyaa beelaha Hawiye iyo Daarood oo mid walbo ay dooneyso inay ku fadhiisato kursiga madaxweynaha Soomaaliya.

Puntland waqti dheer ayey ka soo shaqeyneysay in Doorashada Somalia lagu galo heer Degmo iyadoo la aqoonsanaayo kaliya degmooyinkii maamulka Kacaanka ka sameeyey dalka Somalia, laga soo bilaabo shirarkii Garowe1 ilaa Garowe2 oo lagu sameeyey Dastuur qabyo qoraal ah isla markaasina magaalada Muqdishu siinayey Maqaam gaar ah oo aysan kaga mid noqon karin nidaamka Federalka, Muqdiso waa Caasimad Qowmi ah oo Soomaalida u siman tahay sida Dastuurka Qabyo-Qoraalka dhigaayo. Arintan ku saabsan Maqaamka gaarka ah ee Muqdisho ayaa noqotay Qodax ku taagan beesha Hawiye maadaama beeshan ku xisaabtameysay xildhibaano ka yimaado degmooyinka gobolka Banaadir.

Puntland waxay sidoo kale dadaal badan ku bixisay in gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ka dhisto maamul hayb wadaag la ah beesha Daarood taasoo Puntland ay kaga baxday go’doomin kalinimo oo muddo dheer ay ku jirtay. Waxaa sidoo kale xusid mudan inay Puntland aragtiyadeeda cilmiyeysan ka mid ahaayeen in la sameeyo labo Aqal oo kala ah: (1) Aqal Hoose iyo (2) Aqal Sare – hadafka labadan aqal ayaa ah mid looga takhalusaayo Fowdada iyo Mooshinada joogtada ah ee Baarlamaanka Federalka isla markaasina mar walbo codkooda la iibsanaayo.

Siyaasiyiinta beesha Hawiye iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mardambe is tusiyey in beesha Hawiye aysan heli doonin kursiga madaxweynaha Somalia haddii wadada Puntland jeexday la sii raaco, taasi waa sababta xiligan madaxweyne Xasan iyo isbaheysigiisa ugu adkeysanayaan in la raaco nidaamka beelaha 4.5. Beesha Hawiye wey ka tanaasuleysaa 4.5 haddii magaalada Muqdisho loo ogolaado inay maamul federal u sameystaan isla markaasina Dastuurka Qabyo-qoraalka laga masaxo waxa ku qoran.

Saadaasha Natiijada Shirka Muqdisho

Beesha caalamka iyo IGAD waxay cadaadis xooggan saari doonaan labada Koox ee mowqifka adag kala istaagay shirkii Kismaayo, Waxaa labada dhinac lagu cadaadin doonaa in mid walbo uu ka fuqo geedka uu qabsaday isla markaasina tanaazul sameeyo. Beesha Caalamka wey la socotaa in Hawiye iyo Daarood ay yihiin labada is haayo, beel walbo waxay gudbin doontaa rabitaankeeda iyo dhibaatada haysato, waxaa soo bixi doonto natiijo Hawiye iyo Daarood ay ku qanacsan yihiin.

Dhanka kale, Madaxweynaha maamulka K/Galbeed Shariif Xasan oo aan ka fikireynin maslaxada dadka uu matalo ayaa Boos-Buuxis u ahaa beesha Hawiye muddo dheer, wuxuu dhadhamin doonaa miraha qaraar ee ka soo bixi doono shirka Muqdishu.

Shariif Xasan oo niyo Jab ka Muuqdo
Shariif Xasan oo hurdeysan Xilli khudbado laga jeedinaayo goobta shirka

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran