Akhri Qodobo Kooban Oo Maanta Lagu Heshiiyey Shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka Ee Muqdishu

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa laga soo saaray qoraal lagu cadeyey go’aanno la gaaray Nooca Doorasho iyo sida loo xulaayo xildhibaanada baarlamaanka Federalka ee labada aqal.

Hoos ka akhri qoraalkaasi oo kooban

1- In xildhibaanada Aqalka hoose lagu soo xulo nidaamka beelaha ee 4.5
2- In Aqalka sare la dhiso ka hor inta aan la dooranin xildhibaanada aqalka hoose
3-  In doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ka dhacaan caasimadaha maamul goboleedyada
4- In tirada wakiilada aqalka sare tahay 54 xubnood
5- In 30% tirada xildhibaanada aqalka hoose loo qoondeeyo dumarka
6- In tirada xildhibaanada aqalka hoose tahay 275
7- 48 kamid ah Wakiilada aqalka sare waxaa si siman u qaybsanaya maamul goboleedyada jira (6 da soo harto waxaa si siman loogu qaybinayaa deegaanada Somaliland iyo Puntland)
8-In 30% tirada xildhibaanada aqalka hoose loo qoondeeyo dumarka
9- In xildhibaanada Aqalka sare laga soo xulo dhamaan deegaanada maamul goboleedyada jira.

 

Waxaa la filayaa in berri oo bisha tahay 28-ka bisha Janaayo la soo saari doono Warmurtiyeed lagu daabacayo qodobadan oo la sharciyeyey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE